Dhageyso: Cawed Cashara oo si adag uga hadlay DF, arinta ciidamada, RW cumar, wasiirada cusub & khilaafka

0
223

Muqdisho (INO)- Siyaasiga Cawad Axmed Cashara oo kamid ahaa mudanayaashii hore ee baarlamaanka dowladii KMG ahayd islamrkana ku sugan dalka dibadiisa ayaa dowladda Federaalka Somalia ku dhaliilay xili uu waramayey warbaahinta wax qabad la’aan uu sheegay inay ka jirto gudaha dalka islamarkaana tilmaamay in dalka la dhaafiyay fursado badan oo wax u tari lahaa mustaqbalka .

casharo

Cashara ayaa carabka ku adkeeyey in hadda aanay muuqan saan saan dowladda Federaalka ay ku doonayso in lagu dhiso ciidamadii qalabka siday oo xoogan oo dalka ku filan iyo sidoo kale ciidamada hadda shaqeeya oo aan helin mushaakoodii.

Sidoo kale cawed axmed cashara ayaa sheegay in koox Naar ah ay dalka oo dhan ay doonayso in ay maamusho, sidaasi darteedna ay tahay waxa inta badan kalifa is qab qabsiga dalka ka jira.

Halkan Ka Dhageyso

Cashara ayaa dhinaca kale ka hadlay aaragtidiisa ku aadan dib ula laabashada wasiirada ee Ra’iisul wasaare Cumar cabdirashiid , waxaana taasi uu ku amaanay in ay ka dambeeyaan xildhibaanada oo uu sheegay in ay yihiin dad hadda u muuqda kuwo gudanaya waajibkooda qaranimo ee kaga aadan dalka.

Idale News Online, muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here