Waxaa wada hadal toos ah ugu furmay magaalada Jig Jiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaali Itoobiya Siyaasiga Soomaaliyeed Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr iyo Maamulka Soomaaliland waxaana lasheegayaa wada hadalka in uu gar wadeen ka yahay madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaali Itoobiya labada dhinacna u kala garqaadayo, dhinaca kale waxaa Jig Jiga ku sugan Garaad Jaamac isgana uu kulamo laqaatay Odayaal ka socda Soomaaliland.
Soomaaliland wasiir u hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan wada hadalka tooska ah ee u furmay Mudane Cali Khaliif Galeyr iyo Soomaaliland balse Cali Khaliif Galayr waa siyaasi reer Soomaaliland ah,waana soo dhaweynaya, ayuu yiri Xuseen Axmed Cabdulle oo ah wasiirka Kheyradka iyo Biyaha Soomaaliland.
Hoos ka daawo wasiirka soo dhaweeyay wada hadal ee u hadlay Soomaaliland.
Idale News Online.