Idalenews:-xil ka qaadistii lagu sameeyay Cali C/llaahi Cosoble.
Kulan shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ku yeesheen magaalada Jowhar ayaa waxay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Cosoble, kaddib markii 68 Xildhibaan ay u codeysay mooshinkii laga keenay.
Xildhibaan Maxamuud Abuukaate ayaa sheegay in Xildhibaanada iyo Senatarada laga soo doortay Hirshabeelle ay soo dhoweynayaan xil ka qaadistaas, ayna tahay tallaabo wanaagsan.
“46 Xildhibaanada iyo Senatarada Aqalka sare ee laga soo doortay Hirshabeelle 44 ka mid ah waxay taageersan yihiin xil ka qaadista Cali Cosoble, labada xildhibaan ee kalena waa kuwo dano iyo masaaliix ku qaba”ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Xildhibaanada matalaya Hirshabeelle ay ka fiiriyeen dhanka wanaaga iyo waxqabadka, isla markaana aanu waxba soo kordhin, isla markaana xilligan aanay masaaliixda Hirshabeelle ku jirin inuu sii joogo xilka sida uu yiri.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Senatarada Hirshabeelle ayaa la sheegay inay taageersan yihiin xil ka qaadista Madaxweyne Cosoble, waxaana lagu wadaa in maanta ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Xildhibaanada laga soo doortay Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan Hotelka SYL, iyadoo kulankan kaga hadlaya xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulkaas iyo xil ka qaadistii Madaxweyne Cosoble.