Cadde Muuse “Puntland hadaan la daaficin waa baaba’aysaa”

0
264

Garowe(INO)— Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi oo ku sugan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa ka hadlay duulaanka Al-Shabaab ku qaaday Puntland, markii dagaalyahano boqolaal gaaraya ay maalmo ka hor doonyo uga dageen xeebaha Nugaal iyo Mudug.

Jen. Cadde Muuse oo la hadlayay qaar ka mid ah Warbaahinta Puntland ayaa sheegay in aanay markii u horeysay aheyn oo la soo weeraro Puntland, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto, lana difaaco dalka sida uu yiri.

“Puntland maanta uga horeyso in la soo weeraro, cadaw kasta oo la soo uruuriyo waa la baabi’in jiray, waana laga saari jiray, ma ahan wax cusub, maanta waa in wadankeena la daafacaa, hadaan la daaficin Puntland waa baaba’aysaa Midnimo hala muujiyo”ayuu yiri Cadde Muuse

Sidoo kale waxaa uu xusay in wax ka jiri karaan in xaalada socda inay siyaasad ku lug leedahay, isla markaana la rabo in Puntland la tuso inay daciif tahay.

“Xaalada socota siyaasad wax waa ka jiri kartaa, waxaa la rabaa in Puntland la tuso inay daciif tahay, dad baa been u sheegay, oo dhahay ciidamada waa kala daadsan yihiin, iyo waxyaabo kale oo been laga dhaadhacsiiyay.

Mar wax laga weydiiyay hadii duulaankan salka ku heyso arrinta 4.5, ayuu xusay in aan kaliya madax adeeg la sameyn, balse la daafaco dhulka, isagoo tilmaamay in Al-Shabaab ay meel walba dhibaato u geysanayaan.

Wasiirka Amniga Puntland iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ku lug leedahay duulaanka Shabaab ku soo qaaday Puntland, isla markaana duulaankan uu salka ku haayo diidmadii Puntland ee 4.5.

Al-Shabaab ayaa sheegay inay isku fidinayaan deegaano ka tirsan Puntland, isla markaana ay ka furi doonaan gobollada waqooyi bari aag cusub oo dagaal la mid ah midka ay ka wadaan gobollada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here