Kadib laba bari ka hor kulan ka dhacay xarunta Villa Somaliya kaas oo lagu aqoonsaday maamul la sheegay in uu ka arimin doono sadexda Gobol ee Bay Bakool iyo shjabeelada Hoose ayaa waxaa soo badanaya Mucaarado Dhan badan Leh Kuwaasoo ka hoarjeedo Nabada soomaaliya.
Maamulka lixda Gobol ee u hogaamiyo Madoobe Nuunoow Maxamed oo sheegey in lagu been abuutey ay dagaal la gali doonaan maamulka sadexda Gobol ee lagu soo dhoo dhoobay Xamar, waa sida uu ku hanjabey.
C/laahi Maxamed Idriis wasiirka Gadiidka cirka iyo dhulka ee Maamulk Lixda Gobol oo u waramayay idaacada dalsan ayaa sheegay in aysan gabi ahaanba jirin cid malaysay heshiiskaasna uga qyb ahayd.
C/fitaax Geeseey oo sida Dowlada Soomaaliya ay sheeegtay in uu matalayay maamulka Lixda Gobol waxa uu tilmaamay in uusan ahayn shaqsi ma tali kara isla markaana ay kal hore xilki ka qaaden.
“Madaxweyne Madoobe Nuunow si cad ayuu u diiday Heshiiska waxaana ka go,an inuuu la dagaalamo kooxda isku sheegtay sadexda Gobol” ayuuu yiri Wasiir Idriis.