Muqdisho ( INO)-Cabdiqaadir Maxamed Nuur ( Siidii ) Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Habacsanaanta laamaha Ammaanka ay ku timid wada shaqeyn la’aan ragaadisay maamulka iyo Shacabka Gobolkaasi.
Taasi ayuu sheegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelaha Hoose in ay sahashay in Dharaar Cad Al Shabaab gudaha u soo galaan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Mr Siidii ayaa ku eedeeyay Masuuliyadda Ammaan darrida daashatay Gobolka Shabeelaha Hoose maamulka Gobolkaasi oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Ibraahim Aadan Najax.
Maalin ka hor ayaa Al Shabaab waxa ay weerar Culus ku ekeeyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.