Cabdi Jiinow “Madasha Wada-tashiga waxay xoog ku maroorsadeen masiirkii Umadda”

0
221

Muqdisho(INO)— Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa sheegay in Madasha Hoggaanka Wada-tashiga aanay kaligood laheyn go’aan qaadashada dalka, isagoo ku eedeeyay inay maroorsaden awoodii dalka.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in aanay jirin cid u gacan gelisay masiirka umada, balse ay ka faa’ideysteen xaalada ka jirta dalka, isagoo ku dhaliilay Beesha caalamka in shan nin gacanta u gasho masiirkii Umadda Soomaaliyeed.

“Waxaa la dhahaa Hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho, Masiirka Soomaaliya cid gacan u gelisay shan madaxweyne goboleed iyo hoggaan Federaalka ma jirto, cid ay sharciyad uga heystaan ma jirto, waa ay maroorsadeen awoodii dalka, maanata ma jirto awood kale oo baajin karta, nimankaan Beesha Caalamka iyagana waxay u fududeeyeen in masiirka umadda gacanta u geliyaan”ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in go’aanada ay qaataan madasha uu yahay mid ay dantooda ku eegtaan, isla markaana qaarkood ay yihiin Musharaxiin dano wata.

Madasha Wada-tashiga qaran oo la aas aasay sanadkii hore ayaa la wareegay awoodii baarlamaanka iyo sharciyadii doorashooyinka, waxaana Hoggaamiyeyaashan isla siman shirarkooda uu noqday mid aan dhamaad laheyn, maadaama cid walba ay dooneyso inay talada dalka wax ku yeelato.