Doorashada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi oo maanta dib uga bilaabaneysa Muqdisho

0
174

Muqdisho(INO)— Doorashada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa maanta lagu wadaa inay dib uga bilaabato, kaddib markii Guddiga doorashooyinka uu todobaadkii hore hakiyay.

Kulan Guddiga Federaalka ee doorashooyinka dadban  iyo Guddiga doorashooyinka xubnaha ka soo jeeda Somaliland shalay gelinkii dambe ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay uga hadleen sidii loo baabi lahaa doorashada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi.

Guddiga ayaa horay u hakiyay doorashada, kaddib markii uu khilaaf ka dhashay hanaanka doorashada iyo is qab qabsi la xiriiray ergooyinka.

Sidoo kale Guddiga ayaa baabi’iyay natiijada doorashada labo kursi oo jimcihii ka dhacday Muqdisho, kaddib markii doorashadaas aanay ka qeyb gelin wariyeyaasha iyo koor-joogayaasha caalamiga ah.

Doorashada maanta dhaceysa ayaa waxaa lagu tartami doonaa illaa lix kursi, waxaana saddex ka mid ah ay yihiin kuraas loo qoondeeyay Haweenka.

Hadaba halkan hoose ka akhriso Musharaxiinta ku tartamaya lixda kursi.

img_20161219_072321

img_20161219_072327