wararka naga soo gaarayo magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegeyaan in ciidamada militiriga dowlad itoobiya si weyn loogu soo dhaweeyey sida uu sheegey goodoomiyaha gobolka Bay Dr.cabdi Aadan hoosow, VOA laanteeda Af-soomliga waxana uu tilmaamey in ciidamadan ka soo kictimeen degmada berdaale oo horey ay u joogeen.
Hoosow ayaa tilmaamey in ciidamada itoobiya in qiib ka yihin hawlgaladA AMISON, islama markana waxa uu ku nuxnuxasdey godoomiyuhu in aaney u imaanin dalxiis.
sidoo kale waxa uu diidey inuu sheego tirada ciidanka soo gaarey Mgaalada Baydhabo janaay.
si kastaba ha ahaatee waxa ka maqan gacanta dowlada federalka ee soomaalya degamooyin iyo degaano muhiim oo ka tirsan Gobolada Bay&Bakool.
ugu dambeyntina imaansha ciidamada itoobiya ee baydhabo ayaa ku soo beegmeya xilli dhawaanahan la hadal haayey oo ah in 5ta bisha janaayo sanadka 2014,in guud ahaan dowlada soomaaliya dooneyso in la wareegto gobolka Bakool ee soomaaliya.