Burundi oo ku Hanjabtay in Ciidamadeeda Kala Baxayso Soomaaliya

0
189

Muqdisho(INO)- Barlamaanka Dalka Burindi ayaa waydiistay dowladda dalkaasi inay kala soo baxdo dhammaan  ciidamaddeeda qaybta ka ah AMISOM ee  ka howlgala Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Burundi Emmanuel Ntahomvukiye oo shalay  hortegay barlamaanka ayaa sheegay in muddo 10 bilood ah aysan mushaahar qaadan  ciidamadooda soomaaliya jooga, ka dib markii midowga yurub ay diideen in lacagaha ay soo mariyaan dowladda Burundi,

“ Waxaan u malaynayaa in la joogo waqtigii ciidamadeena aan dib u soo celin lahayd” sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha Barlamaanka Burundi ictor Burikukiye

Midowga Yurub oo bixiya mushaharka ciidamadda Amisom ayaa Burundi ka  joojiyay lacagihii iyo deeqdii tooska ahayd ay siin jireen , oo ay ku jirto Mushaharka iyo Gunooyinka ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Ciidanka Burundi ee ka hawlgala dalka Soomaaliya ayaa bishii mushahar ahaan u qaata siddeed boqol oo dollar($800). waxayna  hadda helaan oo  keliya mushaharka dowladooda ay siiso oo keliya.

Dowladda Burundi ayaa ah dalka labaad ee ciidamadda nabad ilaalinta Amisom ee ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya. marka laga tago dalka Ugandha  oo ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya.