Burci Xamza oo la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday weerarkii Hotelka Naasa-Hablood

0
444

Muqdisho(INO)— Waxaa goor dhow la xaqiijiyay inuu geeriyooday Wasiiru dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dhinaca Bey’adda Xildhibaan Burci Maxamed Xamza, kaasoo ka mid ahaa dadkii ku jiray Hotelka Naasa-Hablood, xilligii uu qaraxa weyn dhacay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegay in Burci uu ku dhintay qaraxa koowaad ee ka dhacay afaafka hore ee Hotelka, kaasoo bur buriyay dhismaha dabaqa ee Hotelka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa goor dhow ku soo qoray bartiisa Twitter-ka inuu geeriyooday Wasiiru dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Burci Maxamed Xabza.

Burci ayaa saaka meydkiisa laga helay bur burka hoostiisa, kadib markii qolkii uu ku jiray uu ku soo dumay.

Illaa xalay ayaa la isla dhex marayay geerida Wasiir Burci oo hotelka ku jiray, markii weerarka bilaabanayay, balse saaka ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dad kale oo ka mid ahaa shaqaalaha Hotelka laga soo dhex saaray bur burka dhismaha hotelka.
Illaa 15 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka Hotelka, waxaana dadka ugu badan ku geeriyoodeen qaraxii koowaad ee ka dhacay afaafka hore ee Hotelka.

Qaraxa hore ee lagu jebiyay albaabka hotelka ayaa waxaa uu geystay bur bur aad u baaxad leh, sida dhismaha Hotelka, goobo ganacsi ku dhowaa iyo Kaalin shidaal oo ku dhoweyd Hotelka.

Burci Xamza

Allaha u naxariistee Burci Maxamed Xamza oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa soo noqday Wasiiru dowlihii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, sidoo kale xilal kala duwan ayuu Xukuumadihii KMG ka soo qabtay oo ka mid ahaa Wasiir.

Waa Xildhibaankii 3aad ee bishan gudaheed lagu dilo Muqdisho, iyadoo 1-dii bishan weerar isugu jiray qarax iyo mid toos ah oo lagu qaaday Hotelka Ambassador lagu dilay Xildhibaanada kala ah Maxamed Maxamuud Guure iyo Xildhibaan C/llaahi Jaamac Kaba-weyne, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay