Dowladda Britain waxay sannadkiiba ugu deeqdaa Somalia in ka badan dhan £90 million oo Geniga Britain, iyadoo Ra’isul-wasaare David Cameron u bixinayo lacagahaasi si aysan Somaliau noqonin dalka Afganistan oo kale.
Kalamooyinka Lacageed ee ay Britain siiyaan Somalia ayaa waxaa loo dhiibaa Hay’adaha Samafalka, halkii toos looga siin lahaa Dowladda Federlka oo xubno ka tirsan lagu eedeeyo inay Lacagaha kaalmada is daba mariyaan.
Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa magaalladda London, ayaa waxa uu maanta qoray in Daraasaad kala duwan oo la sameeyey lagu sheegay in Hay’adaha Samafalka lagu khasbay inay Xarakadda Alshabaab siiyaan lacag aad u fara badan oo lagu tilmaamay inay tahay “Lacagta Badbaadinta”.
Wargeyska waxa uu qoray in ku-dhawaad £500,000 oo Giniga Ingiriiska iyo mucaawinooyin kale loo dusiyey Dagaalyahannadda Alshabaab, wuxuuna Wargeyska tilmaamay in Lacagahaasi la bixiyey muddadii ay abaaraha iyo macluusha ba’an ka jirtay Somalia sannadkii 2011-kii, oo ay ku geeriyoodeen in ku dhow 260,000 oo qof.
Afhayeen u hadlay Waaxda Horumarinta Caalamiga ee Britain, ayaa beeniyey inay Lacagaha kaalmadda ee la gaarsiiyo Somalialoo gudbiyey Xarakadda Alshabaab
Afhayeenkaasi oo wareysi siiyey Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay inay Waaxdiisa ka shaqeyso gudaha dalka Somalia, si lacagahaasi wax looga qabto saboolnimadda iyo cudduradda ka jira Somaliaiyo in wax looga qabto falalka amni-xumidda.
Xildhibaan Ian Liddell Grainger oo ka tirsan Barlamaanka Britainayaa habeen dhaweyd ka dhawaajiyey in Lacagaha Britainugu talagashay Kaalmadda Caalamiga oo dhan £11 Billion oo Pound lagu caawiyo dadka ay waxyeelladdu ka soo gaartay daadadkii ku dhuftay deegaanadda Galbeedka Britain iyo Dooxadda Thames Valley.
Xildhibaanadda Barlamaanka Britain waxay dhowr sanno ka hor ka digeen inaysan Lacagaha kaalmada ugu dambeyntii ku dhicin gacmo qaldan.
“Waxaa jira dalal badan oo aan loo baahnayn in Kaalmadda Britain loo diro, waayo annagu ma caawinanyo dadka Maxaliga, iyadoo la arko inay lacagahaasi qaab qaldan loogu takri-falo” ayuu yiri Xildhibaan Ian Liddell Grainger oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in Samafalka laga bilaabo gudaha Britain, oo ay joogaan dad u baahan.
In ka badan 29,000 oo u dhalatay dalka Britain ayaa saxiixay codsi Dowladda Britainloogu baaqayo in miisaaniyadda lacagaha kaalmadda lagu caawiyo dadka si ay u nadiifiyaan deegaanadda ay fatahaadu ka dhacday.
Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ee Britain, Justine Greening ayaa horey u sheegtay in loo baahan yahay in la joojiyo kaalmadda lacageed ee la siinayo Somalia, ee loo sii gudbiyo gacmaha kale.
Idale News Online, London, Uk.