Boqolaal askari oo laga keenay Degmada Dhoobleey oo la keenay Magaalada Kismaayo (Sababtu maxay tahay?)

0
196

Kismaayo:Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa la soo gaarsiiyay boqolaal kamid ah Ciidamada Maamulka Jubba, oo laga keenay Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadaan, ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qayb qaataan suggida ammaanka Magaalada Kismaayo, iyadoo Ciidamadii horey u joogay Kismaayo iyo kuwa la keenay ay iska kaashan doonaan suggida ammaanka.

20-ka bishaan, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo lagu caleemo saaro Madaxa Maamulka Kmg ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

Afhayeenka Maamulka Kmg ah ee Jubba Korneyl C/naasir Seeraar Maax, ayaa wuxuu sheegay in 20-ka bishaan Magaalada Kismaayo lagu caleemo saari doono Sheekh Axmed Madoobe iyo Golahiisa Wasiirada.

C/naasir Seeraar Maax oo la hadlay Radio Kismaayo, ayaa wuxuu sheegay in Madaxa Maamulka Jubba, uu soo dhameystiri doono Golihiisa Wasiirada, inta aan la gaarin maalinta caleemo saarka.

Ciidanka-Jubba

Idale News Online, Kismaayo