Kalambur(INO)— Booliska dalka Malaysia ayaa baaritaan ku haya Nin Soomaali 44-jir ah oo galabnimadii Arbacadii la soo dhaafay iska soo tuuray dabaqa 7aad dhismo uu ka degenaa bartamaha magaalada Kuala Lumpur.
Ninkan Soomaaliga oo magaciisa lagu sheegay Dr. Xuseen ayaa 20-sano ka badan ku noolaa dalka Malaysia, isagoo heerkiisa waxbarasho ka gaaray ilaa heerka PHD.
Geerida ninkan ayaa sababtay, markii uu dhaawac xoogan uu ka soo gaaray madaxa iyo feeraha, iyadoo dhiig badan uu dhulka ku yaalay goobtii uu ku soo dhacay.
Warbaahinta Malaysia oo soo xiganeysa Booliska ayaa sheegaya in ninkan maskaxda loogu jiro, isla markaana muddo sanad ah uu qaadanayay daawooyin, markii ugu dambeysayna uu ka cararay dhaqtarka
Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Dang Wangi Zainol Samah ayaa sheegay in ninkan uu iska soo tuuray dabaqa 7aad, isla markaana sanadkii hore Isbitaal ku yaala Kuala Lumpur lagaga daweeyay cudurka dhimirka.
Meydka ninkan ayaa la dhigay Isbitaalka, waxaana Booliska ay qabsadeen muddo saddex maalmood, inta baaritaankiisa ka soo dhamaanayo, waxaana la filayaa in berri meydkiisa lagu wareejiyo Soomaalida degan Malaysia, si ay u aasaan.
Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa ka dhacay dalka Malaysia shilal ceynkan oo kale ah, iyadoo illaa iyo hadda la og yahay labo ruux inay iska soo tuureen dabaqyo dhaadheer oo ku yaalla magaalada Kuala Lumpur.
Idale News Online, Kulumbur