Beesha Hubeer ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo cabasho u direy Guddiyada Doorashada Heer Gobol & Heer Federaal, iyo Dowladda Dhexe.

0
294

Idale News ONline (INO) – Kulan ay isugu yimaadeen dhamaan waxgaradka dhinacyada kala duwan ee Bulshada ee Beesha Hubeer isla markaasna kaga cabanayeen musuqmaasuq hareerey qaabka xulista ergada beesha ee kuraasta beesha 5ta xaleemood ayaa waxay baaq u direen dhinacyada ay quseyso ee dowlada federaalka Soomaaliya, maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Guddiga kala duwan ee doorashada heer gobol iyo heer federaal iyo kan khilaafka heer gobol iyo heer federaal kana codsadeen in deg deg loo soo faro galiyo isla markaasna ay si daacad ah wax uga qabtaan musuqmaasuqa iyo nin jecleysiga ka jirta beelaha dhexdooda. Qoraalka Beeshu ay u dirtay dhinacyada ay quseyso ayaa u qornaa sidaan:

hubeer3

JAMHUURIYAFA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Ku: Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya
Ku: Gudoomiyaha Baarlamaanka
Ku: Ra’isulwasaaraha Dowlada federaalka Soomaaliya
OG: Gudiga Doorashooyinka Dadban ee Madaxa Banaan

Ujeedo Cabasho ku aadan Doorashada & Qaabka Xulista Ergada:

Waxaa maanta isku yimid waxgaradka, Odoyaasha, Dhalinyarada & Aqoonyahana beesha Hubeer. Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha hada ay ku sugan tahay siyaasada dhanka doorashooyinka, waxaa baaq loo diray dhamaan cida ay kor ku xusan.

Maadaama in mudo ah hakad ku jray doorashada Aqalada hoose ee digil waxaan xuseynaa in weli uu taagan yahay arintii aan ka cabanaynay taasoo ah in Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Dowlada federaalka Soomaaliya inuu wax is daba marin & musuqmaasuq beesha ku wado isagoo lagu eedeeyay inuu xullay ergo isaga u qaas ah.

Beesha hubeer ayaa waxa ay dhamaan cida ay quseyso arimahan u dirtay digniin, waxa ayna sheegtay beesha in cawaaqib xumida ka dhalata arinta ay horseedi karto deganaansho la,aan ka dhacdo gobolka shabeelada hoose.

Wax garadka Beesha Hubeer ayaa baaqan u diray gudiga doorashooyinka iyadoo hada ka horna ay u dirtay balse aysan jawaab ka helin.

Wa Bilaahi Towfiq

Waxgaradka Dhinacyada kala duwan ee Bulshada ee Beesha Hubeer/Shabeelaha Hoose

 

hubeer2

Xafiiska Warqabadka Idale News Online. Mogadishu, Somalia