Dhageyso: Beelo ku dagaalamay Gobolka Shabeelaha Hoose oo ku heshiiyey Maamul U Sameynta Gobolkaas

0
199

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan ku dhowaad 11 maalmood u socday Beelaha Direed iyo beesha Habargidir oo ayagu bishii lasoo dhaafay ku dagaalamay deegaano ka mid ah gobolka gaar ahaan deegaanada ay degto beesha Miyomaal ee Direed iyo beesha duulaanka ku timid gobolka ee Habargidir.

Dhageyso Heshiiska ay gaareen Beelihii Muqdishu Shirka Uga socday: [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/08/BeelahaDirHawiye.mp3]

wabigaShabeele

Kulankan oo qaban qaabadiisu ay lahaayeen hogaamada beelaha Direed iyo kuwa Hawiye ayaa gebagebadiisa waxaa laga soo saaray Lix qodob oo ugu weyn yahay in labada beelood ay soo dhistaan maamul gobolka uu gobolku yeesho.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta, wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha, wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi, xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya iyo odayaasha Dhaqanka Beelaha la dhex-dhexaadinayey ee Dir iyo Habargidir.

Shaqsiyaadkii shirka ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Xasan Xaad iyo Suldaan Saciid Diiriye Cali oo ku hadlay guddiga dhex-dhexaadinta beelahaas waxeyna guul ku tilmaameen heshiiska ay sida wadajirka u qaateen dhinacyadii ay xurgufta dhexmartay waxayna ku booriyeen Beelaha heshiisku dhexmaray in ay adkeeyaan Dhaqanka galinta Heshiiska la kala gaaray.

Waxaa kaloo gebagebada kulanka ka hadlay Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Mudane C/llaahi Abyan Nuur iyo wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, waxayna dhinacyadu ku adkeeyeen inay ka dhabeeyaan meel marinta heshiiska.

Dhanka kale waxaa ilaa iyo haatan aan war ah ka soo saarin beelaha Digil oo ah iyagu wada degan 8 degmo ka mid ah 9 degmo ee Gobolka Shabeelaha hoose oo haatan ay beelaha Direed iyo Habargidr ay heshiiskoodu ku sheegeen inay maamul u soo dhisi doonaan dadka gobolka.

Si kasta oo loo dhigaba heshiiskaan ayaa waxa uu noqon doonaa mid gobolka aad loogaga hor yimaado maadaama beesha Habargidir deegaan loogu raadinayo.

Idale News Online, Mogadishu.