MARKO:Kulan aad u balaaran oo ay ka qayb galeen qaybaha kala gedisan ee bulshada iyo Maamulada degmooyinka Awdheegle iyo Markacadeey ayaa waxa uu ka furmay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.
kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan dhamaan qaybaha kala gedisan ee bulshada ku abtirsata Beelaha Bagadi(Aw-Digil) iyo Biyomaal(Dir) ee Walaaltinimada iyo Derisnimaduba ay ka dhexeyso ayaa waxaa aad looga wada hadlay arimaha Amniga guud ahaan gobolka gaar ahaan deegaanada ay labada beel wada degaan ee dhaca inta u dhexeyso degmooyinka Afgooye,Baraawe iyo Qoryooleey.
Kulankan labada beelood ay ku yeeshay Degmada Markcadeey ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo bilihii lasoo dhaafay beelaha Habar-gidir iyo Biyo-maal dagaal ba’an ku dhexmarey degaano ka tirsan gobolka sh/Hoose.
Idale News Online,Markacadeey