Barlamaanka DF soomaliya oo Maanta Hindise sharciyeedka kalluumeysiga.

0
177

Muqdisho:Kulanka maanta oo ahaa kalfadhiga seddexaad kulankiisa 51aad waxaa shirguddoominayay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikaar, waxaana ay xildhibaannada ka doodeen akhrinta seddexaad ee hindise sharciyeedka kalluumeysiga Soomaaliya, iyadoo furitaanka kulanka xildhibaannada kadib uu guddoomiyaha gudiga beeraha iyo kheyraadka dalka Mudane Saciid Maxamed Cali mudanayasha warbixin ka siiyay hindise sharciyeedkan iyo marxaladihii uu soo maray, isagoo xusay in dalka uu dhaqaalo soo gelinayo haddii hindise sharciyeedkan ay xildhibaannadu meel mariyaan.

Intaasi kadib xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guda galay ka doodista hindise sharciyeedka kalluumeysiga Soomaaliya oo ay mudanayaashu ay si kulul uga doodeen maanta hindise sharciyeedkan

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa aragtidooda sidaan ahayd “Arrinta badda lagama hadli karo, waa la go’aamiyay baarlamaanku horey ayuu u laalay, UN-ka ayay gaartay go’aankii baarlamaanka waa la soo dhaweeyay, marka meel uu naga soo galo ma lahan, Annagu kan baarlamaan ahaan yaan noqonin kuwii gata badda, uma daneyneyno shaqsiyaad gaar ah, ee waxaan wakiil ka nahay shacabka Soomaaliyeed, marka waxaan soo jeedineynaa in Hindise sharciyeedkan dib loola laabto, Aniga waxaan taageerayaa in muddo sadax cisho ah dib loo dhigo hindisahaan oo lagu soo darro fikradaha ay soo jeediyeen xildhibaannada markaas kadib baarlamaanka lagu soo celiyo”.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in sida uu qabo xeer hoosaadka baarlamaanka uu ogolaanayo in dib loo dhigo hindise sharciyeedkan, maadaama xildhibaannadu ay dood badan ka keeneen.

“Gudiga shaqo badan ayay qabteen sida uu qabo xeer hoosaadka baarlamaanka marka hindise sharciyeed uu galo Akhrinta saddexaad, islamarkaana ay xildhibaannadu dood geliyaan oo ay dhahaan yaan cod la gelinin, xeer hoosaadka waxa uu ogolaanaya in muddo 24 saac dib loo dhigo, marka sidaa darteed dib ayaan u dhignay muddo 24 saac ah” ayuu Mudane Jeylaani hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxa ay ka doodeen shintiriska 2014ka, oo uu soo diyaariyay guddoonka baarlamaanka, iyadoo dooddii kululeyd ee ay mudanayashu ka yeesheen hindise sharciyeedka kalluumeysiga Soomaaliya ay xildhibaannadu u cuskadeen in dib loo eego Xeer Number 37 dhirirka badda oo soo baxay bishii September ee sanadkii 1972.

profJawaari

Idale News Online,Muqdisho, somalia.