Bananbax ka Socda Magaalada Baydhabo+ Waalidiin Dowlada KG Soomaaliya Ka Dalbadey IN Caruurtooda Loo Soo Daayo

0
181

Baydhabo(INO)-Xili Wixii ka danbeeyay wadaad caan ah lagu toogtay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa  wixii xiligaasi ka danbeeyay Ciidamada Amaanka Ee Baydhabo Waxa ay Howlgalo dad badan lagu soo qab qabtay waxa ay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo.

1

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo Janaayo Ee Xarunta Gobolka Bay  ayaa ku waramaya in afaafka hore ee Saldhiga Magaalada Baydhabo ay isugu soo baxeen waalidiin careeysan kuwaasi oo ka soo hurjeedo dadkooda uu ku xiran Saldhiga Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.

Waalidiinta ayaa dalbanayay in la siidaayo caruurtooda oo u xiran Ciidamada Dowlada Somalia waxaana ay sheegeen in ay dhibaatooyin ku heeystaan Gudaha saldhiga Baydhabo.

Waxa ay shegeen in dhalaankooda la iska soo kaxeeystay iyaga oo aanan wax danbi ah laheyn waxaana ay cod dheer ugu baaqeen masuuliyeenta Gobolka bay in ay ka qeeyb qaateen siideeynta Dhalaankooda.

Majiro war kasoo baxay Maamulka Gobolka Baay iyo Taliska Gobolkaasi oo ku aadan cabashada waalidiintaasi ay ka hor dhigeen saldhiga Magaalada Baydhabo.

Idale News Online, Baydhabo.