Balcad:Ciidanka Dowladda Qasaare gaarsiyay Maleeshiyaad katirsan Shabaab oo weerar ku soo qaaday fariisin ay

0
203

Idalenews:Maleeshiyaadka Gabalkooda uu sii dhacayo ee Shabaab oo inta badan loogu awood roonaaday howlgalada ka socoda Gobolada Dalka, aya inta badan isku daya in weeraro naf lacaarinimo ah oo ku dhufo ka dhaqaaq ah ka sameeyo meelaha qaarkood.

Guddoomiye ku xigeenka Dhinaca Amniga iyo siyaasadda maamulka Degmadaasi Abuukar Aadan Codey ayaa xaqiijiyay, in maleeshiyadii Shabaab ee weerarka soo qaaday la gaarsiyay qasaare xoogan, islamarkaana ciidamadu ay k ahortageen in hadafkoodi ay gaaraan.

Sida uu ku soo waramaya Wariyaheena Balcad, Max’ed Amiin Yabarow, Iska hor imaad u dhexeeya ciidamada xooga dalka iyo tiro katirsan maleeshiyaad dhuumaalaysanayay ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Haan-Shiiq oo dhaca duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe, kadib markii maleeshiyaadkaasi ay isku dayeen in ay soo weeraraan fariisin ay ciidamadu halkaasi ku  lahaayeen.