Baydhabo(INO)- iyadoona Shaley Xildhibaano u badan kuwo cusub saaxadda Siyaasada Guud ahaan Soomaaliya Gaar ahaan Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka mid noqodeen Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa Mudane ka tirsan Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya uu sheegey in dhawaan siminaar ay siin doonaan Baarlamanaka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xildhibaan Siidow C/qaadir ayaa sheegey in Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliyada ee jirsatey halka sano ay gaartey horumaro iyo ayna hiigsaneyso aragtiyo wanaagsan waxa uu Baarlamanka cusub Ee koonfur Galbeed Soomaaliya u balan qaadey in tababaro ay siin doonaan kaas oo uu ka soo qiib gali doono Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
“waxaa la idinka fadhiyaan in aad shaqo weyn aad qabataan, waxa baarlamanka Dowlada Dhexe oo hogaaminaayo Gudoomiye Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari idin siin doonaan Siminaaro aad ku korarsataan aqoon iyo waayo aragnimo” ayuu yiri Xilshibaan Siidow.
Waxa kale uu xusey in mooshinada la Keena Baarlamanka ay ahaadaan kuwo waxtar u leh Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Bulshadda, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqey in baarlamanka Koofur Galbeed Soomaliya laga sugayo Hindiso sharciyeed fara badan oo Dowalda ay ku socon doonto.
“Dowlada Mooshin waa laga keeni karaa, Laakiin waa inuu noqdo mid waxtar u leh Bulshadda, mooshino lacago laga raadinaayo Ma wanaagsan, waxaan idin kula dardaarmaya in aad noqotaan Baarlaman lagu deyado oo leh himilo fog” ayuu yiri Xildhibaan Siidow oo ka hor Hadlayey Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, waxaa dhawaan la sugaya in la soo dhameystiro tirada kale ee ka Harsan Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo