Baydhabo(INO)- iyadoo Magaalda Baydhabo ee xaruta Gobolka Bay ay ka socodaan xulista Mudanayaasha Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana dhoor jeer dib u dhacyo ku yimid soo xulustaasi, ayaa waxa Maanta Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Ee KGS Malaaq Deerow Yacquub uu sheegey in kala bar xubnaha ka mid noqonaya Baarlamanka KG Soomaaliya loo gudubiyey Wasaaradda Arimaha Gudaha Ee DF Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD.
Malaaq Deerow ayaa xusey in markii dhawaan loo qiibiyey Odayaasha Dhaqan Foomankii ay ku soo gudbin lahaayeen Xubaha ay sii wadeen dardar galinta iyo isku dabaridka Howlaha laga sugaayey isla markaana waxa uu intaa raaciyey in dhawaan Magacyadda Xildhibaanada KG Soomaaliya Lagu dhawaaqi Doono.
“ Baarlamaka KGS waxa uu gaareya 105 Mudane ,kala bar xubnaha Baarlamanka Ka mid noqonaayo waxaa loo gudbiyey Wasarada Arimaha Gudaha Ee DF Soomaaliya iyo urur Goboleedka IGAD, Beelo aan soo gudbin way jireen, odayaasha Dhaqanka waxay ku dalaayaan Soo xulista” ayuu yiri Malaaq Deerow.
Magaalada Baydhabo waxaa aad looga Dareemayo Hawlaha Dhismaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoona dad ka mid noqon lahaa laga qadiyey, kuwaasoo qaar ka mid ah ay sheegen in lacago badan ay ka qaateen Malaaqyadda, sidoo kale waxa arintaasi gaashanka u daruurey Malaaq Deerow Yacquub oo ah Afhayeenka Gollaha Odayaasha Dhaqanka KG Soomaaliya.
“ arintaas, wax aan la socono ma ahan, odayaasha dhaqanka balantooda sidaaas ma ahayn ee in laalush laga qaato dadka Doonaya Xildhibaanimada, sifooyinka laga rabo qof ka mid noqonaya baarlamanka waxay ahayd inuu haysto ugu yaraan Shahaada Dugsiga sare, inuu ahaado qof ka hadli karo masax siyaasadeed iyo inuu ahaado qof asluub wanaagsan leh” ayuu mar kale yiri Malaaq Deerow Yacquub.
Ugu dambeyntii, Tiradda Baarlamanka Koonfur Dowladda Galbeed Soomaaliya ayaa Gaaraysa 105 Xubnood, waxaana uu Noqonaya Baarlamanka ugu tirada badan baarlamaanada Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ka jira, isla markaana waxa laga soo buuxiyey Beelo aan u dhalan Degaanada Koonfur Galbed Soomaaliya kuwaaso Dhawaan lagu sumadeyeeyey.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Baashaa@www.idalenews.com