Daawo:Rubuc Qarni kadib Shacabka Myanmar Oo U Dareeray Doorashada

0
188

Myamar(INO)-Malaayiin codbixiye ayaa ku qulqulaya goobaha doorashada ee dalka Myanmar. Waa doorashadii xorta ahayd ee u horeysay ee dalkaas ka qabsanta muddo rubuc qarni ah.

Dad gaaraya 30 milyan ayaa la filayaa inay codkooda ka dhiibtaan doorashada Axadda maanta ay si ay u soo doortaan tiro ka badan 6 kun oo tartame oo uu loolamaya labada aqal ee baarlamaanka iyo kuwa gobolada.

Ololihii doorashada ayaa la joojiyey 24 saac ka hor xiligii codeynta, iyada oo muddo bilo ah ay ololeyaashu socdeen.8B2FEB48-2341-4A36-BDEB-1D1A08F330E7_w640_r1_cx0_cy4_cw0_s

Doorashadan ayaa keeni karta in awoodda la wareego xisbiga National League for Democracy oo ay hogaamiso haweenayda la yiraahdo Aung San Suu Kyi. Miss Kyi ayaa dadka oo dhan ku boorisay inay doorashada ka qeyb qaataan si ay noqoto mid xor ah oo xalaal ah.


Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here