Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya mooshinka ka dhanka ah Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, kaasi oo mar hore Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyay.
Kulan saacadaha soo socda la filayo in Baarlamaanka ay yeeshaan, ayaa lagu madalsan yahay in lagu falanqeeyo mooshinka Wasiir Goodax ka yaala Baarlamaanka.
Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isqoray, kuwaasi oo ka doodaya mooshinka Wasiirka laga keenay, waxaana ay ku eedeynayaan Wasiirka ku xad-gudubka arimaha ku aadan sharciga maamul usameynta Gobalada dalka.
Waxyaabaha Wasiir Goodax lagu eedeeyay waxaa kamid ah hareer marida sharciga maamul usameynta dalka oo Baarlamaanka Federaalka ay meelmariyeen sanadkii 2013.
Xildhibaanada Baarlamaanka oo sanadkaan seeftooda gasha ay ka baxsan tahay ayaa la xisaabtan adag ku haya Wasaaradaha Xukuumadda qaarkood oo ay kula xisaabtamayaan shaqooyinka ay qabtaan.
Idale News Online, Muqdisho.