Sarkaal ka tirsan Ciidanka Barre Hiiraalle ayaa sheegay in iyaga & Shabaab isku ujeeddo yihiin.

0
204

Sarkaal ka tirsan ciidanka ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Goobweyn ayaa shaaciyay in iyaga iyo Al-Shabaab ay kawada siman yihiin hal arin oo Jubbooyinka ka taagan.

C/laahi Cabdi oo kamid ah saraakiisha ciidamada Barre Hiiraale ee Goobweyn ku sugan, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada halkaasi jooga iyo Shabaab ay kawada siman yihiin la dagaalanka ciidamada Kenya ee jooga Jubbooyinka.

Sarkaalkaan oo la weydiiyay inuu jiro xiriir milateri inuu kala dhaxeeyo Al-Shabaab, ayaa meesha ka saaray taasi, laakiin taa bedelkeeda wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay kawada siman yihiin dagaalka ka dhanka ah ciidamada Kenyatiga, maadaama uu xusay in Kenyatiga ay qabsadeen Gobalada Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab aysan weerar kusoo qaadin, iyagana aysan weerarin, balse ay heshiis ku yihiin kaliya dagaalka ciidamada Kenyatiga, oo aysan jirin arin kale oo hada ay heshiis ku yihiin ciidanka Goobweyn ku sugan iyo Al-Shabaab.

Kismaayo ayuu sheegay inay gasho lix wado, afar kamid ah wuxuu sheegay inay fadhiyaan ciidamada Barre Hiiraale uu hogaaminayo, maamulka Jubbana ay ufuran tahay kaliya labo wado oo mid ay tagto Garoonka Kismaayo, halka mida kalena ay tagto Dekada Magaalada, isaga oo taasi ku sheegay inay go’doon ku hayaan maamulka Magaaladaasi ka jira sida uu sheegay Sarkaal C/laahi Cabdi.

Sarkaal C/laahi Cabdi, ayaa tilmaamay in dhawaan ay weeraro dagaal oo culus ay ku qaadi doonaan Magaalada Kismaayo, balse ay sugayaan kaliya tasiilaad ku aadan dagaaladaasi ay Kismaayo ku qaadayaan, inkastoo uusan sheegin meesha ay ka sugayaan.

Al-Shabaab ayaa magaalada Kismaayo weeraro ku qaada, iyaga oo aan weerarin ciidanka jooga duleedka Kismaayo gaar ahaan Goobweyn ee uu hogaaminayo Barre Hiiraale, waxaana taasi dad badan ay ufasirteen inuu jiro xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya ciidamadaasi iyo Maamulka Jubba.

barreHiiraale

Idale News Online.