Muqdisho(INO)— Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la hor-geynayaa sharciga Saxaafada, kaasoo horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiiradda.
Sharcigan oo marxalado kala duwan horay u soo maray ayaa maraya akhrinta koowaad ee Baarlamaanka, iyadoo loo qeybin doono nuqulada uu ka kooban yahay sharcigaas, si ay uga doodaan Xildhibaanada.
Halkan Ka Dhageyso.
Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in maanta oo arbaco ah Baarlamaanka la hor-keenayo sharciga saxaafada iyo sharciga shaqaalaha ajnabiga, isagoo xusay in ugu horeyn sharciga Sharciga Saxaafada laga hor-akhrin doono.
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir ayaa la filayaa inuu Baarlamaanka ka hor akhriyo sharciga saxaafada, waxaana kadib la filayaa in Xildhibaanada guda galaan dooda sharcigan.
Haddii uu meel mariyo Baarlamaanka sharcigan, waxaa si rasmi ah loogu dhaqmi doonaa sharcigan, inkastoo dad badan su’aal ka keenayaan sida loogu dhaqmi karo, bacdamaa Soomaaliya ka mid tahay dalalka dhibaatada iyo xadgudubyada loogu geysto.
Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa Soomaaliya lagu dilay wariyeyaal ka badan labaatameeyo, halka kuwa la xiray, idaacado madax banaan albaabada la isugu dhiftay.
Idale News Online, Muqdisho