Baarlamaanka oo ka hor-yimid tallaabadii Guddoomiyaha G/Banaadir ku wareejiyay Ex Baarlamaan

0
274

Muqdisho(INO)— Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay tallaabadii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ku wareejiyay Xaruntii Ex Baarlamaan, iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah.

Kulan xildhibaanada Baarlamaanka uu iminka ku leeyahay xarunta Golaha shacabka ayaa lagu soo hadal qaaday wareejintii Guddoomiyaha Gobolka ku wareejiyay xaruntii Ex Baarlamaan, taasoo lagu wareejiyay Milkiilaha Telefishinka Universal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Yuusuf Xuseen ayaa fagaare ka sheegay inay ku wareejiyeen Xarunta Ex Baarlamaan Milkiliilaha Universal iyo kooxdiisa, si ay meel loo soo dalxiis tago uga dhigaan

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin, isla markaana go’aan ka qaadanayaan tallaabada Ganacsato loogu wareejiyay Ex Baarlamaan, isla markaana lagu balansanaa in xarunta dib u dayactir lagu sameeyo

Inkastoo wali kulanka uu socdo ayaa laga yaabaa, isla markaana Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka hadlayaan arrintan ayaa laga yaabaa in Guddoonka Baarlamaanka u saaro Guddi.

Labo sano ka hor ayay aheyd markii Guddiyada joogtada baarlamaanka ay soo bandhigeen nashqad muujineysay in dib u dayactir lagu sameeyo xarunta Ex Baarlamaan, lama oga halka uu qorshahaas ku dambeeyay, iyadoo uu jiray mashruuc dayactir loogu sameyn lahaa xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay maal geli laheyd Imaaraadka Carabta.

Dad badan ayaa u arka tallaabada uu qaaday Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ay la mid tahay tii uu eedeynta ku muteystay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Muungaab oo ahaa inuu bixiyay dhul badan oo dowladeed.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here