Baaq& Nabadeyn: Baaq Ku Socoda Daminta Colaada Ka Tagaan Gobolka Shabellaha Hoose By: Osman Mohamed Maolin.

0
200

Asalamu alaykum waraxmatuh laahi wabarakaatuh salaan kadib waxaan u mahad nagaya ALLE isoora geliyey in aan wax soo gudbiyo, sidoo kale waxaan madad iyo wanaag u soo jeedinaya dhamaan war bixiineda somaliyeed gar ahaan inta wanaga, NABADA iyo hor usocodka  jecel.

BAAQ-ga 1aad- 
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federal-ka ah ee Soomaaliya
BAAQ-ga 2aad Ra’isulwasaaraha Jamhuuriyada Federal-ka ah ee Soomaaliya
BAAQ.ga 3aad Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Federal-ka ah ee Soomaaliya iyo
Dhamaan Xubnaha Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Federal-ka ah ee Soomaaliya
si wada jir ah waxaa idin ka wada codsanaya in aad ka wada dadashaan xaliinta colada iyo is qab qabsiga gobolada  qarkood gar-ahaan gobolka sh-hoose.
Allaah  ka sokoow dadka looga baxan yahay xasiloonida dhulkeena iyo dadkeena waa idinkoo ah masuulyinta iyo siyasiyiinta  somaliyeed, xil weyna iska sara heshiiska umada somaliyeed ee macno darada isu heysto kana heshiisiya cadalad iyo wanaag ku Dalaalaan.Intaa kabacdi, bulshooy dagaal wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho.

Dagaal waxaa ku burbura hanti. Waxaa lagu huriyaa dhaqaale farabadan oo looga faa’ideeysan kari lahaa horumarka bulshada aadkan eey ugu baahantahay. Wadan dhowr iyo Labaatan sano burbur, barakac iyo dagaallo eey ragaadiyeen uma baahna maanta in kuwo cusub lasii galiyo. Dal iyo dad sidiisaba si eey u horumaraan waa in eey helaan Nabad, iyo Xasilooni (Peace and Stability).

Waxaa wanaagsan in caqligu shaqeeyo. Saacad dagaal lagaliyo waa dib u dhac weyn oo dad ahaan iyo dal ahaanba ina soo wadagaarey. mar xalada maanta la joogo  ma ahan  in qabiil iyo is jijiid hor leh  la sii galo oo umad islam ah hadana walalo ah wadadhashay in dagaal hor leh ey sii wadaan waa nasiib  daro weyn, walalaha somaliyeed gaar ahaan dhibatooyinka ka tagan gobolka shabeelada hoose waa wax  aan  loo dul qadan  kariin dad nimo iyo damiir midna, beelaha qaar ee ka mid ah beelaha somaliyeed oo hada dhul balaris doon ah oo ku soo duulay dhul iyaga lahayn asal ahaan oo rabo in hoog wax ka qataan waxaan ugu baqeynaa in ey ka wantobaan wax yabaha suura galka aan ahayn ee la isticmaalo.

sidoo kale Nasiibdarada Ugu weeyni waa in wiilal aad u da’yar, oo masqaxdooda lagu boorugaramiyey qabiil iyo wax soo dhacso, wiilashaas oo kasoo wada jeeda reero sabool ah, aan fursad u helin in eey waxbartaan si ey u ogadaan xumaga iyo wanaaga, sidoo kale  shaqeeystaan,  dhaqaale sameeyaan, oo horumarna gaaraan maanta dagaalladaa loo isticmaalayo, oo lagu baabi’inayo, kuwa u isticmaalayana wiilashooda dibada nabad iyo mustaqbal kawanaagsan ugu dakeeynayaan.

Ileen waad wada ogtihiin dadka dibad jooga ah ayaa ka masuul ah dagalada qarkood ee ka socoda dalkeena tusaale ahaan waxaa kaga filan sida qorba joogta qaar ey u fikiraan markii ey soo fidhiistaan tvyada qarkood, dagaal waa la soo wada maray wax faaido ah  laga gaaray  ma jirtee hala goojiyo dagalada foosha xun leh ee ka socodo gobolada koonfurta gaar ahaan gobolka shabeelada hoose.

soo kale Meelaha lagu dagaallamo inta badan waa magaalooyin yaryar, tuulooyin iyo duur cidlo ah oo aan laheyn Isbitaallo, iska daa kuwo qalabkooda uu u dhameeystiranyahay oo guud ahaan wadankuba aanu laheyn manta.

Goobahaa dagaal uma taagna Umbulance gar gaar deg deg ah u  fududeeyso, kii dhintey wuuba dhintey isagoo Muslim kale dilaya, ee kuwa dhaawacma intooda badan waxeey u dhintaan Dhiig-Bax-Intabadan dhaawacyada waaweyn ee halista ah ma aha kuwa dalka gudihiisa wax looga qabankaro, cidi wiilkaa dagaalka galiseeyna dibad uma qaadaan, oo qarashkaa xoogan iskuba dhibaane waxeey hoosta uga tuuraan waalidkii saboolka ahaa ee dhalay wiilka xaqdarada ku dhawacmay oo walidkiina aan dhaqaalo uheyn daaweeyntiisa.

Waxaa intaa kuusii dheer, dadka masakiinta ah ku dhex-babacaayo dagalada dhexdooda inta ey isleyihiin naftada la badbaad, sidoo kale waxaa jiraa wax la yirahdo bir maderte kuwaas oo hadana aan la dhafeyn, Bir-mageeydada iyo Marrasta ku dhexbaaba’aysa. taas waxaa kasii daran xoolaha la babiciinayo- loona babicinayo reer Hibilba leh.

Waxaan sidaa daraadeed baaq kal iyo laab ah u direeynaa dhamaan dhinacyada isku haya  gobolka shabeelada hoose gar ahaan deegano u dhow-dhow magala madaxda gobolka sh-hoose ee marko, dadka deeganka iyo siyasiyiinta somaliyeed waxaan ugu baqeynaa in eey si nabad ah xal waara ugu raadiyaan. Wadahadal, dib uheshiisiin iyo nabadeyn waa in lagu dhameeyaa khilaafka sh.hoose.

Waa muhiim in shacabkan tabaaleeysan aan uwada naxno dhamaanteen, una wada horseedno dib u heshiisiin waarta oo soo afjarta dhammaan khilaafaadka soo jireenka ah ee degaankaas ka aloosan xaqiiqdiina ragaadiyey,Waxaan aad uga wada walaacsannahay xaaladda ka soo cusboonaatay magaalada marko, Shacabka Soomaaliyeedna way kasoo wada daaleen khilaaf iyo dagaallo, Waxaa loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay khilaafkooda iyo kala aragti duwanaashahoodaba eey si nabad ah iyo wadahal ugu wada xallisan lahaayeen arimahooda, nabadeyntana fursad loo siinlahaa si loo gaaro marxalad aan caalamka kula tartami karno, isla markaana aan u istaagi karno sharafka iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed, Taasna waxey ku imaan kartaa oo kaliya annagoo la nimaada biseyl siyaasadeed, isu dulqaadasho iyo istixgelin ku wajahan kala danbeyn iyo ilaalinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, aan idin wada xasuusiyee Soomaalidu waxeey leedahay dhaqan soo jireen ah oo geedka hoostiisa lagu dhameyn jiray waxii khilaaf ah ee jira Waa muhiim ah  in isagii aan uwada noqono, maxaa yeeley aad iyo aad beey inoo wada dhibeeysaa inaan aragno dhiig hor leh oo ku daata si micno darro ah cadowga ummaduna uu kusii farxo, inagulana digto dhibkaa dhexdeena ah ee aan xallisan kariweeyney, mar 2aad iyo mar 3aadba waxaa idnka codsanayaa in aad wada garataan wanaga iyo ixtiraamka umada islamka ah isu leedahay iyo cadalada wanaaga ku jiro, run ahaantii somali waa is wada taqaana wax hada lays baraayo ma jiraan tariikhda iyo cadalada yaan la gees mariine umada somaliyeed dhiigooda hala kala bad badsho.
Ugu dambeeyn waxaan in wada leeyahay halaga wada dadaalo cadalada iyo wanaga umadeena somaliyeed.

Osmaan Mohamed Moalim

wabilah towfiiq- Osman Mohamed Moalim.

Idale news Online, Swetzeland.