Saturday, March 22, 2025
Home Idale Somali News Update B/Golaha shacabka oo ansixiyay Xeer dalka ka mamnuucayo Shirkada Dp World

B/Golaha shacabka oo ansixiyay Xeer dalka ka mamnuucayo Shirkada Dp World

0
175

Kullankii maanta ay isugu yimaadeen Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa si aqlabiyad leh loogu ansixiyay EERKA DHOWRIDDA GOBONIMADA IYO MIDNIMADA GEYIGA SOOMAALIYEED”.

Xeerkaan qodob ka mid ah waxa uu si rasmi ah dalka uga mamnuucayaa shirkadda Dubai Port World “DP World” kadib markii ay si bareer ah ugu xad gudubtay siyaasadda, madaxbannaanida midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada waxaa la hadlay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaam “Jawaari ” , Guddoomiye ku xigeenka 1aad C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Cawad oo xeerkan Akhriyey.