Addis(INO)-Hogaamiyaha Maaamulka Jubba Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Addis ababa ee Xarunta dalka Ethiopia ayaa waxa uu kulan khaas ah la qaatay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada ee Ethiopia Dr.Tedros Adhanom.
Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid ahaaayen Amanka iyo Khilaafka ka dhexeeya Jubba iyo Koonfur galbeed.
Axmed Maoobe oo hadalka ku hor maray ayaa waxa uu Tedros Adhanom uga warbixiyay sida uu ku bilowday Khilaafka labada maamul iyo waxyaabaha uu ka dhashay waxa uuna Axmed Madoobe Wasiirka u sheegay in kaliya Khilaafka uu yahay mid ku saleysan dhismaha Baarlamaanka Jubba oo uu Madaxweyne Shariif Xassan ku doonaayay in loo kordhiyo xubnaha ay heleen beelaha Digil iyo Mirifle kasoo jeeda deegaanada Goboladda Jubooyinka eek u hoos nool Maamulka Jubba.
Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa ku dooday in ka maamul ahaan aysan awood u laheyn in beel gaar ah ay u kordhiyaa tirade Xildhibaano taasina ay ku adagtay.
Dr.Tedros oo ah Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia ayaa sheegay in Jubba iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kaliya uu khuseeyo heshiiskii Addis Ababa sidaas darteedna aysan jiri karin wax wadahadal ka baxsan oo ay ku xalin karaan khilaafkooda isagoo intaas ku daray in Ethiopia ay hubto in si wadajir ah xal looga gaari doono khilaafkan.
Dr.Tedros ayaa Axmed Madoobe ku booriyay inuusan ka ag fogaan Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed waxa uuna u cadeeyay in Dowlada Ethiopia ay labada maamul u taageereyso si wada jir cid gaar ahna u badan doonin.
Dowlada Ethiopia oo saaxiib dhow la ah Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Shariif Xassan ayaa waxaa ka go’an sidii labada maamul uga caawin lahayd xal uhelida khilaafka udhaxeeya.
Ugu dambeyntii,Labada madaxweyne ayaa la sheegay inay diyaar uyihiin sidii khilaafka labada dhinac xal loo gaari lahaa.
Idale News Online, Addis