Kismayo(INO)—Wararka Jowhar.com ka helayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu sharuud ku xiray ansixinta liiska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka kamid noqonaya.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inuusan ansixineynin liiska xildhibaanada ilaa laga dhameynayo tabashooyinka maamulka Puntland uu ka qabo doorashada xubnaha aqalka sare ee deegaanada waqooyi.
Ilo ku dhow dhow madaxtooyada Kismaayo ayaa inoo xaqiijiyay in Axmed Madoobe uu sheegay in liiskaasi uusan ansixin doonin, ilaa tabashooyinkaasi laga dhameynayo.
Puntland waxay dooneysay in xildhibaanada ka imaanaya Sool, Sanaag iyo Ceyn lagu doortaa magaalada Garowe, balse gudiga doorashada ayaa sheegay in xildhibaanada waqooyiga ka imaanaya lagu dooranayo magaalada Muqdisho.
Qorshaha ayaa ahaa in maanta magaalada Kismaayo lagu ansixiyaa xildhibaanada labada aqal ee Jubbaland matalaya, kadibna ay usoo duulaan magaalada Muqdisho.
Lixda bishan December ayaa qorshaha uu yahay in kulankooda ugu horeeya yeeshaan xildhibaanada baarlamaanka, balse lama oga sida ay wax noqon doonaan.