Axmed Madoobe oo la filaayo inuu kulaabto Kismaayo iyo Madaxweyne Xassan oo Kismaayo kuwajahan. (Warbixin)

0
202

9O98O8O

Iyadoo ay wali ku sugan yihiin  magaalada Muqdisho wafdigii Sheekh Axmed Madoobe, isla markaasna uu kulamo kala duwan kula yeeshay xubnaha dowladda iyo qaar ka mid dadka ka soo jeeda magalaada Kismaayo, inkastoo qaar badan oo ka mid ah xubnaha ka soo horjeeda ay diideen inay la kulmaan, isla markaasna ay ka soo horjeesteen heshiiskii ay Addis ababa ku galeen dowladda Soomaaliya iyo mamulka Sheekh Axmed Madoobe.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu wafdiga Axmed Madoobe uu dib ugu laabanayo magaalada Kismaayo, iyadoo aan la sheegin waqti go’aan oo uu ka ambabaxayo magaalada Muqdisho, waxayna warar aan rasmi ah aheyn ay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya uu tagayo  magaalada Kismaayo, inkastoo aan la ogeyn inay tahay  ka hor shirka 16 September Soomaalida loogu qabanayo dalka Biljimka kaas oo uu ka qeybgeli doono madaxweynaha iyo inay ka horeyso, halka warar aan la xaqiijini ay sheegayaan inay ka horeyso booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee Kismaayo shirka 16 kaseptember.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safari kala duwan muddooyinkan dambe ku kala bixinaya gobolada dalka Soomaaliya si uu dadka gobolada uga hadlo maamulada ay dowladda u magacawday iyo in haddii ay doonayaan laga bedelo, wuxuuna illaa iyo hadda safar ku tagay magaalooyinka Marka, Jowhar iyo B/weyne oo uu kulamo kula soo yeeshay odayaasha deegaanka iyo maamulada halkaasi ka jira ee dowladda u metelaya.

Idale News Muqdisho