Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo Gudoomiyaha Maamulka JUBBA Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) kana hadlay Heshiiskii Adis ababa iyo Amaan uu kala dul dhacay Madaxweyne Xasan.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Heshiiskii isaga iyo DF somaliya ku gaareen Adis ababa uu ahaa mid looga gudbay caqabadii ka taagneyd Jubbooyinka kuna sheegay Madaxweynaha Dawlada Somaliya shakhsi ku dadaalay dhameynta khilaafkaasi.
Waxa uu sheegay Axmed Madoobe inay hadda isku diyaarinayaan soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Shiikh oo kuwajahan maalmaha soo socda Kismayo sida uu si loo sii ambaqaado Arimaha maamulka JUBBA.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay inuu imaan doona magaalada Muqdisho si loo sii dar dar geliyo xiriirka udhaxeeya DF iyo maamulka JUBBA ee la sameynayo.
Idale News Muqdisho