Axmed Madoobe oo cafis u fidiyay maxaabiista ku xiran Xabsiga Kismaayo

0
329

Kismaayo(INO)— Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa cafis u fidiyay Maxaabiista ku xiran xabsiga Kismaayo.

Axmed Madoobe oo wariyeyaasha la hadlayay ayaa sheegay in fadliga bisha Ramadaan awgeed ay cafis u fidiyeen maxaabiista loo heysto dambiyada yar yar.

“Waxaa rabnaa in idin sheego in fadliga Bisha Ramadaan awgeed in maxaabiista xiran ee dambiyada yar yar galay in la cafiyay oo la sii deynayo”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in hey’adaha amniga uu u gudbinayo fariinta ku aadan in laba-laabo howsha maamulkiisa, iyadoo la guda jiro cibaadada.

Maxaabiis loo soo qabtay dambiyo kala duwan ayaa ku xiran xabsiga Kismaayo, waxaana maxaabiista qaar ku jira kuwo lagu eedeynayo inay dilal geysteen, kuwaasoo maxkamad sugayaal ah.

Idale News Online, Muqdisho