Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku guuleysatay inay gacanta ku soo dhigto, askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, kaasoo ahaa ninkii suuq geeyay hubkii lagala baxay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.
Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed Wardi ayaa waxaa laga soo qabtay Degmada Shingani ee Gobolka Banaadir, iyadoo soo qabashadiisa loo adeegsaday rag ay isu dhaw yihiin.
Gaari Cabdi Bille ah ayaa waxaa looga soo qaaday Dhisme ku yaala Degmada Shingaani, iyadoo loo qaaday dhinaca Qasriga Madaxtooyada, oo uu ku yaalo keydkii uu hubka kala baxay.
Maxamed Wardi ayaa wuxuu cadeeyay in loo sameeyay fure uu hubka kala soo baxo bakhaarka keydka hubka ee Villa Somalia, sidaana uu ku suuq geyn jiray, wixii dhaqaale ee laga helaana uu saamigiisu ka qaadan jiray.
Maxamed Wardi ayaa wuxuu fashiliyay labadii Sarkaal ee furaha been abuurka ah u sameysay, wuxuuna ku kala sheegay inay kala yihiin Taliyaha Horinta 1-aad ee Madaxtooyada Cismaan Cilmi Guure “Cukaashe” iyo Col. C/Fataax, inkastoo ay horey Dowladda xabsiga u dhigtay Col. C/Fataax.
Tan iyo intii Dowladda ay ku raad joogtay Maxamed Wardi ayaa waxay xabsi ku yaala Madaxtooyada ku heysay Col. C/Fataax, laakiin waxay xabsiga ka sii deysay markii toddobaadkaan, ay gacanta ku soo dhigtay Maxamed Wardi.
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxay xukun 10 sano oo xabsi ah ay ku riday Maxamed Wardi, waxaana loo gudbiyay Xabsiga Dhexe ee Xamar, oo uu xukunkiisa ku dhameysan doono.
Majirto wax Qareeno ah oo loo qabtay Maxamed Wardi si ay u difaacaan, ha yeeshee Hay’adaha Sharciga ee Dowladda ayaa waxay soo dedejiyeen kiiska Maxamed Wardi.
Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay iyadoo aysan Dowladdu wax tallaabo ah ka qaadin, Saraakiishii Maxamed Wardi furihii been abuurka ahaa u sameysay, si uu hubka ugu iib geeyo.
Wax yaabaha curyaamiyay ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ah, masuq maasuqa baahsan ee hareereeyay Dowladda, waxayna Dowladdu ku dhisan tahay nin jecleysi/eex.
Taliyaha Horinta 1-aad ee Madaxtooyada Cismaan Cilmi Guure “Cukaashe” iyo Col. C/Fataax, ayaan shaqada laga ceyrin, waxayna si toos ah uga hawl galaan Fillada.