Askari ka Tirsan Minishiibiyada Oo Lagu Dilay Degmada Afgooye Ee G/Sh/Hoose

0
232

Afgooye(INO)-Kooxo hubaysan ayaa maanta Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose waxa ay ku dileen Askari qaabilsanaa canshuur aruurinta gaadiidka Magaalada Afgooye.

Ragga hubaysan ayaa Askarigaan ku beegsaday Bartamaha Magaalada Afgooye, xilli uu ku guda jiray howlihiisa canshuur aruurinta gaadiidka, waxaana ay rasaas la dhaceen ninkaasi.

Xaafada Xaawo taako, ayuu ka dhacay dilkaan, iyadoo raggii ka dambeeyay dilkaan ay ka baxsadeen goobta ay ku dileen Askarigaasi ka tirsan ciidamada Canshuur qaadista Magaalada Afgooye.

Ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee  Degmada Afgooye oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay baaritaano, balse lama sheegin cid ay soo qabteen.

Al Shabaab ayaa kordhisay Bartilmaameedka ay ku hayaan ciidamada Dowladda Federalka Somalia ee ku sugan Gobolada dalka iyo AMISOM.

Dilkaan maanta Afgooye loogu geystay Askarigaan ka tirsan qaybta canshuur qaadista Maamulka Afgooye ayaa wuxuu qayb ka yahay dilalka qorsheysan ee Al-shabaab ay ka fuliyaan Afgooye.

Ugu dambeyntii Maamulka degmada Afgoye Ee Gobolka Shabellaha Hoose oo isbedel lagu sameeyay ayaa waxaas marti geliyay dilal qorsheysan oo ay sheganayeen Al Shabaab.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here