Aqriso:Bayaan Kasoo Baxay Midowga Beelaha Geledi Gudaha iyo Dibada

0
229

Ku: Madaxweynaha DF Soomaaliya.

Ku: Gudoomiyaha BF Soomaaliya.
Ku: Ra’isulwasaaraha DF Soomaaliya.
Ku: Madaxdweynaha DG KoonfurGalbeed.
Ku: Gudoomiyaha BDG KoonfurGalbeed.
Ku: Golaha Wasiirada DG KoonfurGalbeed.
Og: Taliyaha Booliiska DF Soomaaliya.
Og: Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga KoonfurGalbeed.
Og: Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose.
Og: Gudoomiyaha degmada Afgooye.

Bayaanka Midowga Beesha Geledi Gudaha iyo Dibada.
 Afgooye,Febraayo 1 2016.

Anagoo wakiil ka ah (Matalaynana) dhamaan qaybaha kala gedisan ee Beelaha Gelidi (Afgooye) oo ay ugu horeeyaan;Saldanada, Dhaqanka,Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Haweenka, Dhalinyarada, Ganacsatada, Bulshada Rayidka iyo Culuma’udiinka waxaan soo dhaweneynaa geedi-socodka Dowlada fedraalka,Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose ay ugu jiraan Fedraalaynta maamulka dalka iyo dhameynta raadkii laga dhaxlay colaadii sokeeye ee dhiiga badan ku daatay dadka iyo dalka Soomaaliyeedna halageysay.

Shaki kuma jiro in Geedi-socodka ummadda Soomaaliyeed ay ugu jirtay Fedraalaynta dalka uu la kulmay caqabado badan walina ay horyaalaan caqabado ka badan kuwii laga soo gudbay kolka aan sidaa leenahayna waxan aaminsanahay in aan ku hadleyno codka dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee Dulmiga iyo Isku dulnoolaashaha diidan meel kasta oo ay joogaan iyadoo sidoo kalena hadafkeenu uu yahay in la helo nidaam Fedraal ah oo damaanad qaadaya Xuquuqaha aas-aasiga ah ee Muwaadinka Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan inuu isku maamulo deegaankiisa kuna helo Nabad,Cadaalad,Sinaan iyo Xasilooni buuxda oo kaabaysa kalsoonida Muwaadiniinta iyo Is Aamin ummaddu ku gaarto isla noolaasho waarta.

Anagoo maanka ku hayno dhacdooyinkii xumaa ee dad-sameeya ee guud ahaan dalka soomaray ayaa waxaa hadana weli na horyaal raadkii uu reebay dagaalkii sokeeye taasi oo runtii beesha Geledi si aan la qiyaasi karin caqli aadmina aan suurayn karin xuquuqdoodii Muwaadin-nimo loogu tuntay looguna tumanayo ilaa maantadan aan hadlayno.

Waxaan halkan ka cadeyneynaa in Dhibta beesha Geledi (Reer Afgooye) lagu hayo ay gaartay heer ay Shacabka Geledi aamini waayaan inay jirto cid ay u dacwoodaan ka sokow ALLE oo wax ka qabata dhibaatada baahday ee beeshu ay ku hayaan Shaqsiyaad sheeganaya xilal maamul heer degmo,Gobol,Dowlad Goboleed iyo Mas’uuliyiinta Ciidanka Qalabka sida ee dowlada Fedraalka oo iyagu heer aan la tilmaami karin ka gaaray ku tumashada xuquuqda Muwaadinka beesha Geledi oo weliba ku dhex nool dhulkooda iyagoo usugu daray Dilk, Kufsi, Dhac, Barakicin, Cagajuglayn iyo Isbaaro.

Shacabka reer Afgooye oo isku duuban waxay hoosta ka wada xariiqayaan in tan iyo Xoriyadii 1960 kii ilaa iyo maanta maamuladii dalka isga kala danbeeyay ay ahaayeen kuwo ku tumashada xuquuqda reer Afgooye ka wada sinaa halka xiligii dagaalkii sokeeye ilaa iyo maanta uu gaaray xaalka rajo beel.

*Dhibta maanta taagan iyo Mas’uuliyada.

Waxaan halkan ka wada qireynaa in guud ahaa dhibta ka taagan degmada Afgooye ay mas’uuliyadeeda leeyihiin

1-Madaxda Hay’adaha Amaanka Dowlada Fedraalka,Kuwa maanulka KoonfurGalbeed iyo Madaxda Amniga heer degmo oo ay ugu horeeyaan Madaxda Ciidamada Xooga Dalka ee ka howlgala gobolka,Gudoomiye ku Xigeenada arimaha Amniga heer gobol iyo heer degmo iyo Madaxda Saldhiga degmada Afgooye iyo ku xigeenkiisa.

2-Maamulka hada ka jira degmada oo run ahaan aanu metelin deegaanka loona baahan yahay in degmadu ay yeelato maamul ka turjumaaya xaqiiqda dhabta ah ee deegaanka degmada.

Si loo gaaro Amni buuxa iyo maamul wanaag waxaan soo jeedinaynaa in guud ahaan Madaxda Hay’adaha Amniga heer Fedraal, Dowlad gobleed, Gobolka Shabeelaha hoose iyo Degmada Afgooye ee ku sugan degmada sida ugu dhakhsiyaha badan lagu sameeyaa xil ka qaadis laguna bedelaa mas’uuliyiin xilka qaadi karta oo deegaanka kasoo jeeda sidoo kalena maamulka isku shaandhayn waafi ah lagu sameeyaa lagana soo saaraa maamul ka turjumaaya deegaanka degmada iyo dadka dega.

Anagoo rajaynayno in Bayaankan uu ku dhici doono dhego wax maqla ayaa sidoo kale waxaan si aad ah uga raja qabnaa in mas’uuliyiinta maamulada ee Bayaankan uu ku socdo ay u howl gali doonaan wax ka qabadka dhibaatadan ka taagan degmada Afgooye oo mas’uuliyadeeda wax laga weydiin doono maanta oo Aduunya ah iyo Beriba, Hadii ay wax ka qaban waayaana caqaba xumadii ka timaada ay masuuliyadeeda qaadan doonaan.

Wabilaahi Towfiiq.

Saxiixayaasha Bayaanka.

1- Suldaan Cusmaan Sheekh Axmed Cabdi
2- Ing Saalax Sheekh Cusmaan
3- Xuseen Cusmaan Xuseen
4- Muna Ibraahin Abikar
5- Axmed Maxamed Yacquub
6- Maxamed Nuur Sheekh cade
7- Fadumo Cumar abuu
8- Cabdi Qani Yusuf Boolimoog
9- Dr Cali Cabdi Baab
10. Muxudiin M Ali.
11. M. Abduqadir C/ahi muse
12. Cusmaan Sheikh Ali
13. Feysal Sh Abdirahman
14. Cali Abdi cumar(aliBore.)
15. Boolo Abukar
16. Yasin kasim Abikar
17. Ibrahim Hussein Abikar
18. Safiya. Sheikh cusman
19. Anisa Mohamed
20. C/fatax C/lahi madhoke
21. Halima Ali
22. C/risaq Xaji
23. Nuur A/llahi muse
24. C/dulahi Sharif yusuf
25. Dr.Shekhnur Abukar Qaasin.
26. Yusuf Cusman m. Yusuf
27. C/Rashid matore
28. Cumar maxamed A shacir
29. Amina H Goyle
30. Casiza Ahmed Cali
31. Ahmed Yusuf Abdi
32. Cali C/lahi Sheikh afgoye
33. Cali ibrahim Abikar
34. Cabdi C/lahi shekh
35. Axmed Cusman duuble
36. Aziiza Aydarus Omar
37. Cali Nuur (Toyota)
38. Sahro Cabdi Awes.
39. C/ Rashid Abdu muse
40. C/diraxman C/lahi muse
41. Muna Maxamed Husein
42. Maryan Abdulqadir
43. Farxiya Yusuf mame
44. C/dulahi Ahmed Yusuf
45. Abukar M, C Mudey free
46. Mayow Abukar mamow
47. Mukhtar Awbaare
48. Salax Axmed Mame
49. C/qani Yusuf A Bolimog
50. Cabdulahi Axmed.
51. Yusuf Awow Cumar
52. Cali Xasan Xaji
53. Cabdulbasit Dhalib
54. C/ Nasir Aalim mocalin
55. Ibrahim mustaf maxamed
56. C/fatax maxamed Awow
57. Haabiil Abukar
58. Yusuf C/lahi Madhoke
60. Muxudiin Cali Cumar
59. Saciid Cusman Sheikh
60. Sheikh Cabdirahman
61. Yusuf Ibrahim Caliyoow
62. Maxamed Salah Ahmed
63. Amina Daale Abikar
64. Maxamed Cumar maxamed.
65. Xasan Macow Qaasin
66- Jabriil Abikar Maxamed
67. Ishow Maxamed Cabdi
68. C/qaadir Maxamed Xasan
69. Fadumo C/rahmaan Axmed
70. Yonis Buube Xasan

Midowga  Beesha Geledi Gudaha iyo Dibada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here