Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay waxaa maanta ka dhacday Doorashada Wajagii 2aad Ee xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose.
Doorashadan oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxaa maanta la doortay ilaa 7 Mudane oo ka mid noqday Baarlamaanka cusub ee 2016.
Xubnaha maanta la doortay ayaa waxa ay kala yihiin.
- Maxmed Isaaq Afaraalle /Mirifle /Jilible
- Isgoowe Deerow Isaaq /Mirifle /Jilible
- Prof. Saalim caliyow ibrow /Digil/jiido
- Axmed Cumar Islow/Hawiye/Wacdaan Osmaan
- Axmed Mayow Cabdulle(Col.Ruush/ Digil/Bagadi/Qoriile.
- Cabdalla Xuseen Cali/Dir/Biimal
- Xaaji Cali sheikh Maxamed/ Digil /5ta caleemood/erdho
Ugu dambeyntiim Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa la filayaa in maalinta beri ah ay ka sii socoto Magaalada Baydhabo.