Badhabo (INO)- Wareegto Maanta ka soo Baxdey Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Garoomada Ee Dowalda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/laahi Aaden Axamed (C/laahi Black), ayaa lagu ayiday Amarkii Ka Soo Baxay Dowlada Federaalka Ee Soomaaliya Ee Ku Aadanaa Jooginta Qaadka La Keeno Dalka Soomaaliya.
Wareegtadan ayaa lagu xusey in Degaanada Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya aan la keeni karin laguna eebin karin Qaadka Maadama DFS aysan ogoleyn arintaas, waxaana digniin adag loo direy cidii jabisa Amarkan iyo Amarkii Dowlada Dhexe Ee Soomaaliiya.
Si kastaba ha ahaatee, wareegtaan ayaa ku soo beegmeysa Xilli Meelaha Qaar magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay lagu iibinaayo Qaad isla markaana habeen hore waxaa Xeebta Jaziira ee Ka Gobolka Shabellaha Hoose, lagu qabtey labo doomood oo sidey Qaad isla markaana Sida La Sheegey laga Keeney Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Halkan Ka Daaawo
Wariye Abshir Maxamed Nuur (Mandella), Idale News Online, Baydhabo