Amniga Magaalada Baydhabo Janaay Oo Sare loo Qaadayo& Tiro Maxaabiis Ah Oo La Siidaay

0
235

Baydhabo(INO)-Kulan looga hadlay xoojinta ammaanka Baydhaba ayaa maanta ka dhacay Magaalada. Maamulka Degmada Baydhabo ayaa soo qabanqaabiyay kulanka, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka, kan degmada, Wasiirro ka tirsan Maamulka 3-gobol iyo qeybaha bulshada.

Geesey

Guddoomiyaha Degmada Baydhaba Xasan Macalin Axmed Biikole ayaa ujeeddada kulanka ku tilmaamay adkaynta ammaanka Magaalada Baydhabo.

Wasiirka Amniga ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdifataax Ibraahim Geesay ayaa sheegay inay dardar-gelinayaan howlgallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab iyo hagaajinta xaaladda ammaanka ee Magaalada Baydhaba.

Wasiir Cabdi fitaax Ibraahiim Geesay wuxuu tilmaamay in ciidanka ammaanka ay howlgallo lagu xoojinayo ammaanka ka fulin doonaan Magaalada Baydhabo, si looga hortago falalka ammaan darrrada ah ee ay maleegeyso kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu ka codsaday Shacbaka Magaalada Baydhaba inay kala shaqeeyaan ciidanka sidii loo sugi lahaa ammaanka, loogana hortagi lahaa falalka nabadgelyo xumada keenaya.

Dhanka kale warar hoose oo Ishabaydhaba heshay ayaa sheegaya in Waalidiinta qaar kamid ah Dhalinyarada lagu xiray howlgaladii Amni ee maalmahaan ka socday Magaalada Baydhaba laga qaaday Lacag Madax Furasho ah.

Si kastaba, Wasiirka Amniga KG Soomaaliya  Cabdi fitaax Ibraahim Geesay ayaa maanta Saxaafada u sheegay in la sii xoojin doono howlgalka lagu xaqiijinayo Amniga Magaalada Baydhabo Janaay.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here