Amisom ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar uga furtay 100 ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaasi oo socon doona mudo laba todobaad ah. Waxaana tababarkan lagu qabtay xarunta gaadiidka booliska.
Dr. Benjamin Agordzo oo ah Madaxa tababarka AMISOM ayaa sheegay inuu tababarkan bilow fiican u yahay in la helo bari saraakiil ciidanka Booliska ka tirsan oo dalka Soomaaliya usii tababari kara saraakiil kale. Isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey casharada la siind oono 100-kan sarkaal.
Saraakiishan ayaa waxaa la siin doono xirfado kala duwan, waxaana ugu horeeya sidii ay u heli lahaayeen qaabka ay u shaqeeyaan booliska aduunka islamarkaana ay wax uga badeli lahaayeen aqoontooda ku aadan shuruucda boolisku uu ku shaqeeyo.
“AMISOM waxay diyaar u tahay caawintiina ilaa aad ka gaartaan awood isku filaansho, waxaana had iyo jeer heegan aan ugu jirnaa kaafinta baahidiina ciidan iyo maamul,” ayuu yiri Madaxda tababarada AMISOM Dr. Agordzo .
Amisom aya sidoo kale waxaa dalka ka jooga ciidamo Boolis ah kuwaasi oo ka garab shaqeeya booliska Soomaaliya. Waxaana sida ku cad howlaha AMISOM ka mid ah sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen tayeysan aqoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo 23 sano ah aan helin dowlad dhexe oo sare u qaada aqoontooda.
Idale News Online, Mogadishu