AMISOM oo xirtay wadooyinka magaalada Baydhaba & Madaxweyne Xasan oo Xamar ka soo duuley

0
181

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka soo daqiiqado ka hor ka soo kicitimay magaalada caasimada ee Muqdisho isagoo ku wajahan magaalada Baydhaba oo uu ka jiro muran siyaasadeed oo ka dhex aloosan dowladiisa iyo maamulada iska soo horjeeda oo labaduba aysan dowladu aqoonsan.

Madaxweynaha oo wafdiguusu ay ka mid ahaayeen xildhibaano dhowr ah iyo wasiiro xukuumada ka tirsan ayaa la sheegayaa in ay doonayaa in ay kulamo la yeeshaan maamulka lixda gobol ee haysta taageerada inta badan dadweynaha KG.

Jidadka magaalada ayaa la xiray waxaana magaalada gaafwareegaaya ciidamo AMISOM, waxaana magaalada sidoo kale ka jira banaanax si nabad ah ay dadweynuhu u qabanayaan, kaasoo looga soo horjeedo dowlada haddii ay diidmo dhismaha maamulka lixda gobol ee KG.

Waxii warar ah ee ku soo kordhaa booqashada madaxweyne Xasan ee magaalada Baydhabo kala soco wararkeena dambe.

Idale News Online
xasanSheekh1