Qoryoley(INO) Sida ay ku waramayaan dadka deegaanka waxaa duleedka degmada Qoryooleey lagu arkay seddex ruux oo meyd ah kuwaasi oo labo kamid ah qoorta laga gooyay.
Ruuxa seddexaad ayaa la sheegay in jirkiisa ay rasaas ka muuqatay, laakiin labada kale ayaa qoorta laga gooyay kadibna la dhigay duleedka degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in falkaasi loo malaynayo inuu ka dambeeyay ruux muddooyinkii dambe dilal foolxumo ah ka geysanayay deegaanada hoos taga degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Suldaan Axmed Xuseen Xaashi oo kamid ah salaadiinta Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dilkaasi uu ka dambeeyay ruux uu magaciisa ku sheegay Saalax kaasi oo taageero ka helo ciidamada AMISOM.
“Dhinaca waqooyi ayay seddex KM ka jirtaa Qoryooleey , waxaa jira nin Saalax la yiraahdo oo gacan ka helaya AMISOM oo maalmahaan degmada dad ku laaynaya, dad badan ayuu dilay, kaligiis maahan koox badan ayuu wataa”ayuu yiri suldaanka.
Amisom ayaanan ka jawaabin eedeynta loo jeediyay, laakiin degmada Qoryooleey waxaa kusoo laalaabtay falalka ceynkaan oo kale.
Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay in dilkaasi loo geystay Nabadoon Caan ah oo lagu magacaabo Bashiir Xasan Cabdulle Xooshoow, wiilkiisa iyo nin la shaqeynayay, sida uu sheegay.
Idale News Online, Qoryoley.