Amina Maxamed oo u tartami doonto Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika

0
186
Nairobi(INO)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Amina Maxamed, ayaa waxaa lagu wadaa in bisha January ay u tartanto jegada madaxtinimada ee Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya, ayaa Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda u magacaabay inay u tartanka Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika, doorashada lagu wado in bisha January ka qabsoomto Magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha Kenya, ayaa Isniintii sheegay in uu ku kalsoon yahay in Amina Maxamed ay hogaamin karto Qaaradda Afrika, iyadoo taasi u leh xirfad iyo waayo aragnimo ku filan hogaaminteeda.

Uhuru Kenyatta, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Amina Maxamed ay si wanaagsan u buuxin doonto booska ay baneynayso Nkosazana Dlamini-Zuma.

Amina Maxamed, ayaa loolan kala kulmi doonta Wasiirada Arrimaha Dibadda Botswana, Equatorial Guinean iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Uganda, haweeneyda lagu magacaabo Specioza Wandira Kazibwe.

Amina, ayaa sanadkii 2013-ka noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, ka dib markii Madaxweyne Kenyatta uu ku soo daray liiska Golaha Wasiirada. Kenyatta ayaa xilligaa sheegay in haweeneydaasi Somaliyeed uu ku soo xushay karti iyo aqoon.