Amar Ka Soo Baxay Xafiisyada Madaxweyne Xasan & RW CC Oo Sameyn Weyn Ku yeeshay Axmed Madoobe

0
228

Kismaayo(INO)-Wararka naga soo gaaraya dhanka Maamulka Jubba, ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku imaaday doorashadii gudoonka baarlamaanka Jubba iyo xafladii caleema saarka aheyd.

Xubno ka tirsan Maamulka ayaa inoo xaqiijiyay inuu jiro Khilaaf dhanka Maamulka iyo Dowlada Somalia, kaasi oo sababay dib u dhaca doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubba.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia iyo Odayaal kasoo jeeda Deegaanada Jubba, ayaa kasoo horjeestay qaabka uu Hogaamiyaha Maamulkaasi u dhisay Baarlamaanka, waxa ayna sheegen inaan la aqbali karin Baarlamaanka Cusub.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid, ay bixiyeen amarka lagu dib dhigaayo doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Jubba iyo caleema saarkiisa.

Si kastaba ha haatee,Labadaani Mas’uul ayaa aad uga cabsi qaba in carqalad iyo dhibaatooyin hor leh ay ka dhacdo Deegaanada Jubba, waa haddii ay dhacdo doorashada iyo caleema saarka ka hor inta aan la xalin buuqa ka dhashay dhismaha Baarlamaanka Jubba.

Ugu dambeyntii Gudiga doorashada si rasmi ah uma aysan shaacin wakhtiga rasmiga ah ee doorashadu dhacayso balse waxaa la filayaa in maalinta bari ah la shaaciyo taariikhda ay dhici doonto doorashada hogaanka baarlamaanka Jubba.

Idale News Online, Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here