Alshabaab oo guryaha Jeneraal Indha Cade & xildhibaan Geesey ee ku yaala degmada Heliwaa Miino ku xiray oo dhulka dhigay

0
216

Xarakada Al-shabaab ayaa xalay labo guri oo kuyaala Xaafada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ku xirtay Miinooyin iyagoo dhismayaashaas qeybo kamid ah uu burbur weyn Soo gaaray, Labada Guri ee xalay la qarxiyey waxaa kala lahaa Gen Yusuf Mohamed Siyad (Indhacade) iyo Xildhibaan Geeseey.

qaraxIsmiidaamin

Guriga Yusuf Indhacade ayaa la sheegayaa in qoyskii degenaa shalay warqad loogu dhejiyey albaabka, warqadaas oo loogu sheegayey inay si degdeg ah uga guuraan oo aysan qoraxdu ugu dhicin, qoyskii degenaa gurigaa ayaa isla shaleyba ka guuray iyada oo xalay xubno ka tirsan Alshabaab la yimideen Miinooyin iyaga oo guriga burbur weyn gaarsiiyey balse gebi ahaan uusana dhulka gelin.

Sidoo kale guriga Xildhibaan Geeseey ayaa la sheegayaa isaga inaan digniin horey loo siinin dadkii degenaa balse xalay xarakada Alshabaab markii ay guriga yimideen iyaga oo wata miinooyinka in dadkii guriga degenaa isaga carareen, gurigaas oo sidoo kale la sheegayo in dhaawac weyn loo geystay balse uusan gebi ahaan burburin.

Gen Yusuf Indhacade oo xalay Gurigii uu kulahaay Huriwaa la qarxiyey, burbur weyna loo geystay ayaa saakay dad la xiriiray u sheegay in Alshabaab yihiin Dad liciif ah balse Dawladdu dadkii Alshabaab umadda ka qaban lahaa aysan shaqada u ogoleyn ayna dad aan waxba qaban Karin iyo dad si hoose Al shabaabka ula shaqeeya kaliyana gacanta loo geliyey awoodii dalka, wuxuuna sheegay markii uu arko Dawlad diyaar u ah in Al shabaab Xamar iyo Gobolada dalka laga sifeeyo oo ay daacad ka tahay inuu hawl geli doono hadii loo baahdo.

Alshabaab ayaa maalmahaan danbe muujiyey inay si buuxda Xamar u joogaan, iyaga oo hoobiye iyo Madaafiic ku garaaca xarumaha dawladda iyo shacabkaba Habeenkii, sidoo kalana Alshabaab ayaa habeenadaan bilaabay in dagaalo fool ka fool ah inay ku qaadaan qaar kamid degmooyinka Gobolka Banaadir Xarumaha ciidamadu isku waardiyeeyaan.

Dadka indha indheeya Xaalada Nabadgelyada Dalka ayaa sheegayaa in hadaan hay’adaha amniga dalka wax laga bedelin si degdeg ah in dagaalada Alshabaabku bilooyinka soo socda isku bedeli doono Maalin cadeey dagaalo fool ka fool ahna ku qaadi doonaan xarumaha ciidamada dawladda ee Magaalada Muqdisho.

 

Kalsoonida Alshabaab ku qabaan inay ka hawl galaan magaalada Muqdisho ayaa sii kordheysa sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in badan oo kamid ah madaxda Alshabaab inayba ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho oo ayba u noqotay Alshabaabka meelaha ugu aaminka badan oo ay ku noolaan karaan, kadib markii ay bateen diyaaradaha aan Duuliyaha wadin ee Maraykanka oo ku bartilmaameedsada meelaha ka baxsan Muqdisho.

Idale News ONline