Alshabaab Oo 3 Ruux Maanta Ku Toogatay Degmada Saakow Ee Gobolka Jubbada Dhexe

0
244

Saakow(INO)—Ururka Alshabaab ayaa saddex ruux ku toogatay degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe kadib markii lagu eedeeyay in ay u basaasayeen dowlada Maraykanka. 
Sida ay shaaciyeen warbaahinta taageerta Alshabaab saddexdan ruux ayaa lagu toogtay meel fagaare oo ay dad badan ay goobjoog ka ahaayeen.

Maxkamada ururka Alshabaab ayaa saddexdan ruux ku eedaysay dambi ah inay u basaasayeen dowlada Maraykanka. Hase yeeshee lama shaacin magacyada dadkan lagu toogtay magaalada Saakow.

Degmada Saakow ayaa ka mid ah degmooyinka ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe oo ay ururka Alshabaab gacanta ku hayaan iyadoo ay tahay toogashadii ugu horeysay ee ay meel fagaare ah ururka Alshabaab ku toogtaan dad ay ku eedeeyeen basaasnimo bishan Ramadaan.

Hase yeeshee bilihii aynu ka soo gudubnay ayaa dad dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay basaasnimo ay ururka Alshabaab xukun dil ah kula fuliyeen deegaanada ay maamulaan

Idale News Online, Saakow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here