AL-shabab oo Laga qabsadey Degmada Buulo-Burde Ee Gobolka Hiiraan.

0
201

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Midowga Afrika ayaa galabta si rasmi ah u la wareegay gacan ku haynta degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka mid ciidanka dowladda ee gobolka Hiiraan, Kornayl Maxamed Aamiin ayaa u sheegay Idaacadda Bar-kulan inay ciidankooda la wareegeen degmada.

Magaalada Buuloburde waxay ka mid ahayd magaalooyinka ay weli gacanta ku heysay kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Amiin ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay kooxda Al-Shabaab ka saaraan goobaha ay uga sugan tahay gobolka Hiiraan.

Ciidanka dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa saaka si nabadgelyo ah kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Buq-aqable oo 90 km u jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka.
breakingIdaleNewsale

Idale News Online.