Idalenews-Gaarigan ayaa lahaa calaamada Xisbiga Jubilee, waxaa ku sawirnaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Musharax Xisbiga Jubilee ee Mandhera Mohamed Ibraahim Mohamed.
Muuqaal kooban oo Al-Shabaab soo bandhigtay ayaa waxaa ka muuqda Gaariga oo socda dhul howd ah oo aan la sheegin, waxaa kaxeynayay oo saarnaa dagaalyahano hubeysan oo wajiga u xirnaa.
Dagaalyahano Kenyan ah ayaa oo ku hadlaya luqada Sawaaxilaga ayaa ka soo muuqday muuqaalkan, waxaa ay saarnaayeen dusha sare ee gaariga la soo bandhigay.
Gaadiidka ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa lagu soo beegay, iyadoo maalmo un ay naga xigaan doorashada Madaxtinimada Kenya.