Al-Shabaab Oo Sii Deysay 2 Askari Kenyan Ah Oo Labo Sano ka Hor Soo Qafaasheen

0
234

Nairobi(INO)— Al-Shabab ayaa sheegtay inay sii daayeen labo askari Kenyan ah, kadib markii ay qaateen Diinta Islaamka.

al shabab

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in maxaabiistaan ka tirsanaayeen Ciidamada Booliska Kenya, isla markaana labo sano ka hor ka soo afduubteen deegaanka DamaJale ee gobolka waqooyi bari.

Afhayeen u hadlay Shabaab ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta ku hadasha Afkooda in labadan Askari ay gacantooda ku jireen muddo laba sano, Islamarkaana ay ku qanceen diinta Islaamka.

Waxaa la aamisan yahay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo Al-Shabaab ay sii deyso Maxaabiis Kenyan ah oo ay sheegtay in ay qaateen diinta Islaamka.

Al-Shabaab ayaa weerarada ay ka geysatay gudaha ku soo qafaalatay maxaabiis, saanado hub iyo gaadiid.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here